Qarax lagula beegsaday Ciidamada Militariga Kenya Magaalada Mandheera.

Maantay duhurkii xiliga Mandheera ayaa qarax lagula beegsaday gawaarida gaashaaman ee ay lee yihiin ciidamada Militariga ee DalkaKenya, ilaa iyo hadda ma cadda inta uu la eg yahay qasaaraha iyo cidda geysatay weerarkaasi Qaraxa ah oo magaalada si weyn looga maqlay.

Wararka waxay sheegayaan inuu qasaare jiro, ayna jiraan dhaawac iyo dhimasho farabadan,  walow ay ciidamada  Kenya diideen in ay saxaafaddu halkaasi tagto, waxaa xiran dhamaan jidadka soo gala magaalada Mandheera, waxaan laga maqlayaa magaalada dhaqdhaqaaq gaadiidka Gurmadka caafimaadka dalka Kenya. 

Gaadiidkaan ayaan la ogayn meesha ay u jeedeen iyo qorshahooda, balse waxaanu isku dayi doonaa in aan dib faahfaahin intaasi dheer idinkaga soo gudbino Qaraxa Xoogan ee lala beegsaday Gaadiidka Gaashaaman ee Ciidamada MilitarigaKenya.

 

Dowladda Mareykanka oo sheegtay inaysan ogolaan doonin in Somaliland ay ka godo Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay waxay shaaca ka qaaday inaysan ogolaan doonin in Soomaaliya loo kala jarjaro maamul goboleedyo tiro badan oo mid waliba uu Madaxweyne gooni ah sheeganayo, isla markaasan aysan suurtagal aheyn in gobol kasta iyo tuulo kasta oo Soomaaliya ka tirsan ay yiraahdaan waxaan nahay dowlad goboleed leh Madaxweyne iyo Xukuumad u gaar ah.

Donald Yamamoto oo ah ku xigeenka Xoghayah arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabisan arrimaha Afrika oo talaadadii hore magaalada Minneapolis kulan kula yeeshay xubno ka tirsan Jaaliaydda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota ayaa ka hadlay sida uga soo horjeedo in Soomaaliya la kala googooyo ama la kala qeybiyo.

“Mareykanku ma ogolaanayo in Soomaaliya loo kala qeybiyo dhulan {lands} kuwaas oo leh 37 madaxweyne, sidoo kale Mareykanku ma aqonsanayo Somaliland inay noqoto state ka go’a Soomaaliya” ayuu yiri Donald Yamamoto.

“Muddooyinkii dambe dalka Soomaaliya waxaa ku soo badanayey dadka sheeganaya inay yihiin Madaxweyne deegaan ka tirsan Soomaaliya, isla markaasna ay yihiin dowlad goboleed ka jirta Soomaaliya amaba ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale” ayuu yiri Donald Yamamoto.

Sidoo kale Donald Yamamoto waxa uu sheegay in beesha caalamka oo keliya aysan waxba u keeni karin dalka Soomaaliya, balse la doonayo in dadka Soomaaliyeed ay iyagu xalka la yimaadaan marka hore, waayo ayuu yiri Soomaaliya waa dalkoodii, dad aan u dhalan dalkaaga xal kuuma keenayaan ee sidaasi darteed dadka Soomaaliyeed waa inay fikiraan oo ay aayahooda ka tashadaan ayuu yiri Donald Yamamoto.

Dhinaca kale Donald Yamamoto waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda KMG ee hadda jirta in marka la gaaro 20-ka bisha August 2012-ka ay xukunka ku wareejiso dowlad cusub oo la soo doorto, isla markaasna aysan ku fekerin in waqti dambe loogu daro sidi horay u dhacday dhowrjeer oo hore, wuxuuna intaasi ku daray in dowlad kasta oo timaada ay ku shaqeyso rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee ay dowladdu u tahay.

Dhanka kale dowladda Maraykanka ayaa markii u horeysay ka hadashay fariisimaha Al-Shabaab ay ka sameynayso Buuralayda Galgala iyo usoo wareegitaankooda degaanada Puntland, waxaana ergayga Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo la hadlay warbaahinta uu sheegay inay ka walaacsanyihin dagaalyahanada Al-shabaab kusoo qulqulaaya degaanada Puntland.

 

Somaliland iyo Qaramada Midoobay oo hadalo kulul isweydaarsaday ka dib markii…

Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo ka soo horjeestay xukunkii ay maxkamadda milateri oo ku taalaSomalilandku riday koox maleeshiyo beeleed ah oo weerar ku qaaday xero ka mid ah kuwa ciidamada ee maamulkaSomaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda  Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa difaacay eedaynta uu xafiiska Mahiga u jeediyay qaabka ay u xukuntay Xukuumadda Somaliland dadkaas, isagoo sheegay inay dadkaasi ahaayeen dad nabadgelyada Somaliland ku soo duulay, isla markaasna isku dayey inay burburiyaan jiitaanka Somaliland, wuxuuna wasiirku xusay inay xaq u leeyihiin inay ka hortagaan wax kasta oo amnigooda wax u dhimaya, taasina aysan waxba u dhimi doonin ictiraaf raadinta uu ku jiro  Somaliland sida uu yiri.

Danjire Augustine Mahiga oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay inuu aad uga naxay xukunkaas ay riday maxkamadda, waxaana uu ku baaqay in laga noqdo oo baaritaan dheer la sameeyo oo ku aadan falka lagu soo eedeeyay dadka la xukumay, isagoo xusay inuu ka xumaaday sida uu yiri in dad rayid ah la saaro maxkamad ciidan, wuxuuna intaasi ku daray in dadka la soo saaro maxkamadda dadka rayidka ah qaabilsan, maadaama dadku ay ahaayeen ayuu yiri dad rayid ah.

Dhinaca kale odayaasha dhaqanka ee ay ka soo jeedaan maleeshiyada weerarka ku qaaday ciidanka  Somaliland ee xukunka lagu riday oo shir ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa waxay ku sheegeen inay ka soo horjeedaan weerarka lagu qaaday xerada ciidanka  Somaliland, isla markaasna aysan jirin cid ka tirsan beesha Habar-yoonis oo la ogeyd falkaasi kooxdaasi weerarka qaaday, waxayna ka codsadeen Xukuumadda Somaliland inay dib u eegto wanaagyo ay sheegeen inay beeshu horay u sameyso, isla markaasna wax laga bedelo xukunka lagu riday dhalinyaradaasi.

 

Malaaq Caan ah oo xalay lagu toogtay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Nin hubaysan ayaa xalay Magaalada Baydhabo ku dilay mid ka mid ah malaaqyada ugu caansan  Magaaladaasi.

Malaaq Cabdow Yoonis ayaa la sheegay xiliga falka dilka ah loo geysanayay in uu marayay isgooska boqoleeyda xaafada Bardaale ee Magaalada Baydhabo waxaana la sheegay isaga oo ku sii jeeda xaafadiisa uu ka dagan yahay Magaalada Baydhabo nin hubaysan rasaas la beegsaday.

Maxamed Cali Catoosh wasiiru dowlaha gaashaandhigga Xukuumadda KMG Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in uu jiro dilkaasi islamarkaana nin baskoolad ku hubaysan uu toogtay Malaaq Cabdow Yoonis oo si weyn looga yaqaanay Magaalada Baydhabo ee gobalka Bay.

Mar aan weydiinay in ammaanka Magaalada Baydhabo aan laysku halayn karin maadaama ay ka dhacayaan dilal qordheysan ayaa wuxuu ku jawaabay “Magaalooyin waaweyn oo caalamka ah ayna ku sugan yihiin ciidan ka awood badan ciidamadeena kana qalab wanaagsan ayey dilal noocaan oo kale ah ka dhacaan” waxaa sidaasi yiri Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Xukuumadda KMG Soomaaliya.

Ninka falka dilka geystay ayaa waxaa la sheegay in goobta uu ka baxsaday iyadoo markii uu dilka dhacay kadib ciidamada dowladda ay gaareen goobta falka dilka ah uu ka dhacay inkastoo aan la sheegin cid ay soo qabteen.

Xarakada alshabaab oo deegaanka Ceelasha Biyaha ku soo bandhigay Askari Itoobiyaan soo goostay.

Warar laga helaayo degaanada loo barakacay ee ceelsha biyaha ayaa sheegaya in Xarakada Al-Shababka ay soo bandhigeen Askari ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo ka soo baxsaday Ciidamadii uu ka tirsanaa.

Warar ka ayaa sheegaya in shalay salaada Casir kadib ay Saraakiisha Xarakada alshabaab Deegaanka Ceelasha Biyaha ku sugan iyo dadka deegaanka isugu soo baxeen Masaajid ku yaal degaanka oo lagu magacaabo Abu Cumar Al-Baqdadi, halkasoo xaflad ay soo agaamiseen ku muujiyay sida ugu faraxsan yihiin askariga isku soo dhiibay, kaasoo ku hubeysnaa qoriga diirada leh ee meelaha fog wax ka dila. 

Askarigaan ayaa dadkii isu soo baxay loogu sheegay in galabta kalimadda towxiidka loo qabtay sidaasina ku islaamay.

Askarigan oo labisnaa dareeska lagu yaqaano Ciidamada xabashida Itoobiya, ayaa noqonaaya midkii ugu horeeyay ee isku dhiiba Xarakada Alshabaab tan iyo markii ciidamadii Xabashida Itoobiya dalka Soomaaliya dib uga baxeen 2009-gii, kuwaasoo la sheegay iney lama filaan ku noqotay Askarigaan baxsadka ka ah Ciidankiisa.

Si kastaba dadka shacabka ah iyo Saraakiisha Xarakada Alshabaab ayaa si diiran u soo dhaweeyey Askariga ka soo goostay Ciidamada Xabashida Itoobiya isla markaana diinta Islaamka Qaatay.

 

Saxiixayaasha Roadmap-ka oo Maanta lagu wado in uu shirkooda furmo.

Waxaa maanta lagu wadaa in magaaladaAddis ababaee Xarunta dalka Itoobiya ay kulan ku yeeshaan saxiixayaasha  Road-mapka.

Lixda Saxiixayaasha Road-mapka ayaa la filayaa in ay isugu yimaadaan Magaalada Addisa ababa oo intooda badanba haatan xaadir ku ah halkaasi.

Waxaa Magaalada Addis Ababa ku sugan Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lagu muransan yahay xilkiisa Guddoomiyenimo iyo Xubnaha ururka Ahlusunna u matalaya shirkaasi.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa isna waxaa lagu wadaa inuu maanta gaaro Magaalada Addisa Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.

si kastaba ha haatee sida qorshuhu yahay maanta ayaa la filayaa in shirka Saxiixayaasha ka furmo magaalada Addisa Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.

 

C/weli Gaas oo Ethopia kulamo kula qaatay Wufuud Caalami.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethopia ayaa halkaasi kulamo kula qaatay Wakiilo ka socday beesha caalamka oo ku sugan Adis Ababa.

C/weli gaas ayaa kulamo la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub Mr Alexander Rhondos, Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka Ambassador James Swan, Ku Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Mr Peter De Clercq iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u tageyAddis Ababasi uu uga qeyb galo kulanka ay yeelanayaan Saxiixayaasha Roadmap-ka oo beesha caalamkuna ay goob joogayaal ka ahaan doonaan kulankaas.

Kulankan ayaa la filayaa in Madaxda Soomaalida ay go’aanno muhiim ah ku gaaraan oo ku wajahan sidii loo dhameystiri lahaa Xilliga Kala Guurka ah, Bacdamaa lagu jiro dhameystirkii Xilliga Kala Guurka ah ayaa la filayaa in dhowaan Ergeda Ansixinta Dastuurka ay ku kulmaan Muqdisho si ay uga doodaan Qabyo Qoraalka Dastuurka oo ay u ansixiyaan si KMG ah inta laga qabanayo Afti Dadweyne, iyo in Madax Dhaqameedka ay soo xulaan xubnihii Baarlamaanka cusub si August loo helo Dastuurk KMG ah oo Dowladda Rasmiga oo taamka ah ay ku dhaqanto, Baarlamaan tayo leh oo dalka ka saari kara marxaladdan adag iyo Dowlad Rasmi ah oo tayo leh.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa u sheegay mas’uuliyiintii uu la kulmay sida ay uga go’antahay in la soo af-jaro Xilliga Kala Guurka ah oo la helo baarlamaan kooban oo tayo leh iyo dowlad Rasmi ah oo shacabka u istaaga, kalsooni fiicanna ka heysta shacabka.

Qaramada Midoobey oo ka walaacsan Rabshado dhawaan ka dhacay Magaalada Hargeysa.

War-murtiyeed ka soo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Augustine  Mahiga, ayaa lagu sheegay in danjiraha uu aad uga walaacsan yahay rabshadii dhawaantan ka dhacay magaalada Hargeysa.

Kaddib markii ay isku dhaceen Ciidamada Somaliland iyo dad shacab ah, taas oo ay ka dhalatay dhimasho labada dhinac soo gaartay dadkaasi shacabka ah iyo Ciidamada Somaliland.

Danjire Mahiga ayaa sheegay sida uu u naxsan yahay xukunka dhawaan ay fulisay Maxkamadda Hargeysa, taas oo 17-qof oo rayid ah oo soo weeraray xarun Ciidamada ay ku leeyihiin Bariga Hargeysa in lagu riday xukun dil ah.

Wuxuu sheegay inuu aad uga shalaayay dadka lagu waayay rabshadahaas ka dhacay Hargeysa, waxa uu ugu baaqay Xukuumadda Somaliland in si dhaqsiya ay kiiska ugu wareejiyaan maxkamadda dambiyada ayna helaan dadka Maxkamad cadaalad ah.

Si kastaba ha ahaatee Mahiga ayaa sidoo kale ugu baaqay Xukuumadda Somaliland inay si buuxda oo cadaalad ah, madaxbanaan iyo baaritaan ay u eegaan wixii ka dhacay Magaalada Hargeysa.

 

Turkiga oo shaacisay in Magaalada Muqdisho u ekeysiinayaan Magaalada Istanbuul.

Afhayeenka cusub ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa wuxuu ka warbixiyay wafdi ka socda Magaalada istanbuul ee dalka Turkiga oo soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wuxuu sheegay in markii ay Muqdisho yimaadeen wafuudan heerka caalami ah ay kulan la qaateen guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayna ka wada hadleen sidii Muqdisho dib u dhis loogu samayn lahaa iyo sidii loo midayn lahaa Magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbuul.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in wafuudani ka timid dalka Turkiga ee injineerada ah lagu soo wareejiyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in injineerada ka yimid dalka Turkiga ay la kulmeen injineerada gobolka Banaadir islamarkaana ay kormeereen dhismooyinka magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu guddoomiyaha ka yahay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dadaal dheeri ah wuxuu ugu jiraa dib u dhiska iyo soo celinta bilicdii ay lahayd magaalada Muqdisho iyadoo hadda maamulka gobolka Banaadir uu ku howlan yahay dayactirka wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka Arrimaha Guddaha Xukuumadda KMG oo sheegay in loo dhan yahay Shirka Odayaasha Muqdisho.

Xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya shirka Muqdisho ka socda inay ka maqan yihiin qaar badan oo Odayaal dhaqameedyo ah ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda KMG Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya C/ Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay in maalmahan ay socdeen kulamo ay yeelanayeen Odayaasha dhaqanka isaga oo sheegay in dhammaan Odayaasha ka qeyb galaya shirka ee 135 ay joogaan waxaana uu tilmaamay in wajiga koowaad ee shirka laga gudbay loona gudbay wajiga labaad ee shirka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaalida ee ka imaanaya dhammaan gobollada dalka Soomaaliya hadda ay soo dhameystirmeen islamarkaana ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho shirkana ay ka qeyb galaan.

Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in dhammaan Odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya Shirka ka socda Muqdisho ay joogaan inkastoo iminkana ay ku celiyeen in Odayasha dhammaan ay xaadir yihiin.

C/Samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax waxa uu hadalkiisa intaa raaciyey in Shirka Odoyaasha dhaqanka ay ka qeyb galayaan oo ay goobta xaadir ku yihiin Odoyaal dhaqameed ka soo jeeda Maamulka Somaliland sida uu sheegay.

Si kastaba Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaalida ee ku shiraya gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga fadhiya inay soo xulaan ergada ansixinaysa dastuurka inkastoo la dhaafay waqtigii loogu talo galay in lagu soo xulo ergada ansixinaysa dastuurka waqti dheeri ah loogu daray.